28 Nov

Taliye cusub oo maanta la wareegay hoggaanka howlgalka ciidamada amisom ee ku sugan magaalada muqdisho..

Muqdisho:(SIC)-Taliye cusub ayaa maanta oo Sabti ah la wareegay hoggaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kaasoo bedeli doona taliyihii hore ee ciidamada, Jen. Fred Mugisha.

Munaasabad ay labada taliye xilka kula kala wareegayaan oo ka dhacday Xalane oo ah xarunta ugu weyn AMISOM ee ay Muqdisho ku leedahay ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ka mid ahaa wasiirka gaashaandhiga, Xuseen Carab Ciise.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad ay ku noolaadaan, waxaana halkan u joognaa sidii aan uga hortegi lahayn dagaalka ay argagaxisadu waddo,” ayuu yiri taliyihii hore ee AMISOM oo goobta ka hadlay. Wasiirka gaashaandhigga dowladda KMG ah oo isaguna hadal ka jeediyay halka ay xaladdu ka dhacday ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay dib ula soo laabato sharafteedii, sidoo kalena ay ciidamada AMISOM halkan u joogaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-shabaab. Taliyaha cusub ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti oo u dhashay dalka Uganda ayaa isna sheegay inuu sii wadi doono howsha adag ee aan halkan u joogno oo ah in shacabka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ay helaan nabad.

Ciidamada AMISOM oo hoostaga ururka Midowga Afrika ayaa waxay howshooda ka billaabeen Soomaaliya sannadkii 2007, waxaana ay ka socdaan dhowr dal oo Afrikaan, iyadoo dhowr taliye ay soo mareen tan iyo markii ay howsha billaabeen.

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *