28 Nov

Since 1960 – wasiirada maaliyada iyo hawlaha guud oo ka hadlay mowqifka xukuumada ee muddo kordhinta

Wasiirada Maaliyada iyo Hawlaha guud oo Ka Hadlay Mowqifka Xukuumada ee Muddo Kordhinta

Wednesday, 09 April 2008

HarSample Imagegeysa (SN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane  Xuseen Cali Ducaale   iyo Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane  Siciid Sulub Muxumed ,  ayaa shir jaraa’id  oo ay Maanta  wada jir ugu qabteen Xarunta Wasaarada Maaliyada jawaabo kulul ka bixiyay hadalo Dhawaan ay Warbaahinta ku Faafiyeen Gudoomiyayaasha Mucaaridka

Wasiirka Hawlaha guud oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ’Waxa aad  moodaa sababo  farsamo darteed inay doorashooyinkii aanay  wakhtigodii ku dhacayn , sidaasi  darteed xukuumada Somaliland ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , marnaba  may codsan  ilaa imika  in Muddo  kordhin  la sameeyo  habeena ilaahay  ha ka yeelee , xukuumadu waxay diyaar u tahay inay doorashooyinka hir galiso , balse  waxa dib u dhaca keenay  ma aha Haddii ay duruufi timaado  u baahan in muddo  kordhin   la sameeyo , Madaxweynaha  waxa u banaan oo sharciga iyo  dastuurku  awood u siinayaa inuu guurtida  u qoro qoraal oo uu yidhaahdo  asbaabahaas ayaa jiree Muddo kordhin sameeya  , laakiin  weli may dhicin  mana  dhacayso , haddii  Bishan loo dareerayo  doorasho  xukuumadu  waa u diyaar’’.

Wasiirku  waxa uu ku adkaystay in Xukuumada uu Madaxda u yahay Madaxweyne Rayaale aanay   doonayn in  wakhtiga  loo kordhiyo , waxa kale oo uu sheegay in ay Xukuumadu gaadhay Xuduudaha dhinaca Bari  ee dalka.

 

Wasiir Sulub oo hadalkiisa sii watana waxa kale oo uu yidhi ‘’Waxa masuuliyad  darro ah oo aan  u malaynayaa in aan lagu  dooranayn  Asxaabta Mucaaridka ah  qaarkood ,  oo aynu jaraa’idka ku maqlanay iyago leh waxa isa soo urursatay  Faqash , Hengash , NNS iyo  Beelihii la cafiyay , ninka waxii aynu soo dhaafnay  1991-kii inagu  celinayaa soo ma aha nin aan jiritaanka Somaliland aan  ogolayn’’.

 

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane  Xuseen  Cali Ducaale ‘’Cawil’’ oo shirkaasi  Jaraa’id ka  hadlay ayaa isna yidhi ‘’Waxaan Saaxiibaday  Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali  Waraabe  aan kula talinayaa mansabka  aad doonaysaan  iyo hadalada  aad ku hadlaysaan  ha is waafaqeen. Siilaanyo  iyo Faysal  Waxaan  leeyahay  yaynaan dalka Mashaakil  ku abuurin , waxana  aanu leenahay  mar kale  nala tartama , iyadoo  aynu  hore u tartanay  oo kulmiye  oo oodihiisa  wataa tartan  aanu galnay  kana helnay’’ ayuu yidhi Mudane Cawil.

 Somalilandnation.comHargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *