28 Nov

Al barraa binu maalik

“BARAA
MADAX HA UGA DHIGINA MID KA MID AH CIIDAMADA MUSLIMIINTA CABSI LAGA CABSANAYO
INUU GEESINIMADIISA KU JEBIYO CIIDANKIISA


¨CUMAR BINU KHADAAB”

Wuxuu
ahaa nin booreysan oo basaasan, una dhashay baryari ay adagtahay inay isha si
fiican u qabato jirkiisa. Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, wuxuu haddana
laayay boqol ka mid ah mushrikiinta/gaallada isu-soo-bax-dagaaleed, iyadoo aynan
ku jirin kuwa kale ee uu ku laayay bartamaha dagaallada. Waa geesigii uu
arrintiisa awgeed u qoray Cumar Binu Al-khadaab, dhambaalkiisii uu u qorayay
shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa “yaan Baraa madax
looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in
geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo”. 

Qofkaas
aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli
noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ee ahaa adeegihii Rasuulka (scw).
Haddeynu xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gudbino sheekadii la xiriiray
geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari waxaa hubaal ah inay sheekadu nagu
dheeraanayso, hase ahaatee waxaan soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinkiisii
ku saabsanayd geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Allaha ka raalli noqdee,
sheekadaas oo kaa deeqsiinaysa kuwa kale.

Fidnadii
ugu horeysay ee soo waajaha islaamka

Sheekadan
waxay billaabanaysaa saacadihii ugu horeeyay kadib markii uu geeriyooday
Rasuulka (scw), markii ay qaar ka mid ah qabiilooyinka carbeed ay ka laabteen
diintii islaamka iyagoo koox-koox ah, siday markii horeba ay u soo galeen diinta
islaamka iyagoo koox-koox ah, jeer ay diintii islaamka isugu soo hareen oo
keliya muslimiintii degganayd Makka, Madiina, Daa’if iyo kuwo kale oo uu Eebbe (sw)
ku sugay laabtooda iimaanka iyo diinta islaamka.

Maalintii
Abuubakar

Intaas
kadib waxaa sugnaaday geesigii runta badnaa ee Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka
raalli noqdee, isagoo is hortaagay fidnadan wax baabi’inaysay ee indhaha la’ayd,
wuxuu sugnaaday sugnaanshaha buurihii sugsugnaa ee qotomay oo kale, wuxuuna
muhaajiriinta iyo ansaarta ka diyaariyay 11 ciidan, isagoo ciidan kasta oo ka
mid ah ciidamadaas u guntay oo u dhiibay calankoodii, wuxuuna u kala diray
dacallada dhulka Jasiiradda Carabta, si ay kuwii diinta islaamka ka laabtay ay
ugu soo dabaalaan diintii hanuunka iyo xaqa ahayd, iyo inay ku soo qasbaan kuwii
ka weecday wadiiqadii toosneyd seefta afkeeda. Waxaa Abuubakar Ilaahay ha ka
raallo noqdee uu yiri maalintaas hadal taariikhda meel fiican ka galay,
hadalkaasoo ahaa “ma waxaa nuqsaamaysa diinta annigoo nool”, dabadeedna
wuxuu ogeysiiyay muslimiinta in dagaal lagu qaado kuwii diinta ka riddoobay,
iyadoo saxaabadiina ay aqbaleen ijtihaadkiisii toosnaa.

Kuwii
ugu xoogga badnaa ee ka mid ahaa qabiilooyinkii ka laabtay diinta islaamka,
uguna tirada badnaa ayaa waxay ahaayeen qoyska reer Banuu Xaniifa, qabiilkaasoo
uu ka dhashay ninka la yiraahdo Musaylamata Al-kadaab. Waxaa Musaylamata u soo
saftay oo u hiiliyay tolkiisa iyo xulafadiisuba oo gaarayay afartan kun oo
dagaalyahaniin ah, waxayna intooda badan u raaceen ficillo qabyaaladeed, ee ma
aynan u raacin rumeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay qaar ka mid ah kuwaas ayaa
waxay oran jireen “waxaan qiraynaa in Musaylamata uu beenaale yahay,
Muxammad-na uu runloow yahay.., hase ahaatee beenlowga Musaylamata ayaan ka
jecelnahay runlowga Muxammad”.

Cabsida
laga qabo haddii la jebiyo ciidamada muslimiinta

Wuxuu
Musaylamata jebiyay ciidankii ugu horeeyay ee u soo baxay ee ka mid ahaa
ciidamada muslimiinta, waxaana ciidankaas hoggaaminayay Cikramata Binu Abii
Jahal. Hase ahaatee, Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa wuxuu markale
diray ciidan, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Khalid Binu Al-Walid. Waxaa
ciidamada la isugu soo aruuriyay madaxdii asxaabta oo isugu jiray muhaajiriinta
iyo ansaarta, waxaana asxaabtaas safka hore kaga jiray Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari
iyo qaar ka mid ah halyeeyada muslimiinta.

Waxaa
dhulkii Yamaama foodda isku-jaray labadii ciidan, ciidankii muslmiinta ee uu
hoggaaminayay Khalid Binu Al-Walid, iyo ciidankii gaallada ee uu hoggaaminayay
Musaylamata Al-Kadaab. Waqti yar kamaba soo wareegan, jeer durbadiiba ay
xooggaysato dhinacii Musaylamata iyo ciidankiisa, halka ciidamadii
muslimiinta-na ay ka billaabaan dib-u-gurasho, dhinaca kale waxay ciidankii
Musaylamata cagta mariyeen teendhadii weyneyd ee uu lahaa Khalid Binu Al-Walid,
wayna siibeen, waxayna sigeen inay dilaan xaaskii Khalid Binu Al-Walid hadduusan
badbaadin nin iyaga ka mid ahaa. Runtii waxay ahayd waqti aad u adag, waxayna
muslimiintii dareemeen xaalad aad u qadhaadh oo aad u weyn, oo waxay muslimiinta
yaqiinsadeen in haddii ciidamada Musylamata ay jebiyaan oo uu ka adkaado
ciidanka muslimiinta inaynan jiraynin qof u istaaga gargaarka diinta Islaamka
wixii maanta ka danbeeya, iyo sidoo kale inaan la arki doonin qof ku caabudaya
Eebbe (sw) kelligiis dhulka Jasiiradda Carabta.

Xeelad
milateri oo sareysa

Intaa
dabadeed waxaa booday Khalid Binu Al-Walid, isagoo isu keenay dhammaan
ciidamadiisa, wuxuuna muhaajiriintii ka soocay ansaartii, sidoo kalena kuwii
reer miyiga ahaa ayuu iyagana ka soocay kuwii kale. Wuxuu qabiil kasta u dhiibay
hal calan, bal si loo garto wacdaraha koox kasta ay muujiyaan, sidoo kale si loo
ogaado halka iyo goobta lagaga imaanayo muslimiinta, dabadeedna waxaa
billaabatay dagaalkii. Labadii ciidan waxaa dhex maray dagaal ba’an oo ayna
muslimiinta weligood arkin mid la mid ah. Kooxdii Musaylamata waxay goobtii
dagaalka ku muujiyeen adkeysi weyn, iyagoo aanan u aaba-yeelin tirada faraha
badan ee kaga dhimanaya dagaalka, dhinaca kale waxay sidoo kale muslimiintana
dhinacooda ka muujiyeen geesinimo aad u weyn, waxaana tusaale uga soo
qaadanaynaa qaar ka mid ah halyeeyadii muslimiinta ee dagaalkaas.

Tusaalihii
geesinimo ee saxaabada

Waxaynu
arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo
dhimmasho, isagoo xirtayna kafantii meydka. Wuxuu qotay godkii lagu aasi lahaa,
dabadeedna wuxuu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isagoo ku sugnaaday
goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe laga dilay
isagoo shahiid ah. Sidoo kale waxaynu kaloo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab
oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh
“dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda..,
dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii oraahdaydan ka dambeeya
jeer laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, annigoo wata
xujadayda iyo markhaatigayga”. Intaa dabadeed wuxuu rogaal celin ku
sameeyay gaalladii isagoo dagaalamaya, jeer markii danbe isna laga dilo isagoo
shahiid ah. Waxaan kaloo isla goobtii dagaalka ka arkaynaa misna Salim oo ahaa
mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo sida calankii
muhaajiriinta. Waxaa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yiraahdeen
“waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga”, wuxuuna ugu
jawaabay hadalkan qiimaha leh “haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan
ahaanayaa qof xambaarsan (xifsadan) qur’aanka kan ugu xun”, dabadeedna si
geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba’an ku celiyay
gaalladii, jeer isna laga dilo isagoo shahiid ah. Hase ahaatee, halyeeyadaas
aynu soo aragnay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo
halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee.

Al-Baraa
oo looga fursan waayay hoggaaminta ciidamada

Markii
uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran
ayaa wuxuu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuuna ku
yiri “xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow”, dabadeedna wuxuu Al-Baraa
Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isagoo leh “ansaareey yuusan qof
idinka ka mid ihi ku fekerin inuu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka
danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii
iyo Jannada”.

Gaallada
oo magangalay beertii geerida

Wuxuu
Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuuna Al-Baraa
billaabay inuu kala beero safafklii gaallada, seeftiisana wuxuu kaga shaqeeyay
oo uu ku laayay cadoowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato
gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyagoo cararaya ku magangaleen beer,
taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan “beertii
geerida”, dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed.

Beertan
waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer.
Musaylamata iyo ciidankiisa gaarayay kumanaanka kun waxay isku soo xireen
albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay
billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira
dhufeysyadooda.

Taladii
Al-Baraa

Muslimiintii
waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan.
Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa
Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta “waxaad i saartaan gaashaan korkiisa
(wuxuu ahaa nin baryar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha,
sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow iridka beerta, labo midkood ayaa
dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan iridka idinka furo”.
Ilbiriqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa,
waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin baryar,
waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex 
tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun
ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata.

Wuxuu
Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata
dhexdooda, wuxuuna billaabay inuu la dagaalamo gaallada, isagoo seeftiisa ku
laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo iridkii, iyadoo
jirkiisa ku yaaliin dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo
warmo. Muslimiintii ayaa hal meer ku soo butaacay beertii geerida, iyagoo ka soo
galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen
gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaasoo ku dhuuntay beerta
derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii
gaareen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuuna ahaa
ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw).

Al-Baraa
oo jeclaa markasta shahaado

Waxaa
la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik  si
loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw)
ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayeey muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa
Binu Malik Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu markasta u hiloobi jiray in Alle
dartii loo dilo (shahiido), taasoo ka tagtay maalintii loogu magac daray “beerta
geerida”.

Furashada
Tustur

Wixii
intaa ka danbeeyay wuxuu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa
ee ahayd inuu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer
markii danbe laga soo gaaro maalintii loogu magac daray “maalintii
furashada Tustur” ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus
waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay
go’doomiyeen gaalladii, iyagoo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas.
Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkaas waxay billaabeen inay
ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna
sii xiray kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taasoo ka kulul dhuxusha dabka
ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jirkooda, kadibna way
ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyagoo
markaas amaba dhintay, amaba qarka u saaran inay dhintaan.

Haddaba,
kalbadihii mid ka mid ah ayaa ku dhegtay Anas Binu Malik oo ay walaalo ahaayeen
Al-Baraa Binu Malik. Maba uusan arag Al-Baraa walaalkiis anas jeer uu durbadiiba
ku booday derbigii sibsibka ahaa, wuxuuna qabtay silsiladdii sidatay walaalkiis
Anas, wuxuuna billaabay inuu kalbadihii kululaa ka furfuro si uu uga saaro jirka
walaalkiis, gacantiisii ayaa gubatay, waxaana ka baxay qiiq. Al-Baraa dan kama
gelin xanuunka gubashada jeer uu markii danbe ka badbaadiyay walaalkiis, wuxuu
dhulka u soo daadegay iyadoo gacantiisa noqotay lafo aan saarnayn wax hilib ah.

Haddaba,
dagaalkan wuxuu Al-Baraa Binu Malik baryay Eebbe (sw), isagoo Alla weydiisanaya
inuu ku shahiido dagaalka, Ilaahayna wuu aqbalay ducadiisii, kadib markii uu
goobtii dagaalka dhulka ku dhacay isagoo la dilay, una hilowsan la kulanka Eebbe
(sw).

Ilaahay
ha iftiimiyo wejigii Al-Baraa Jannada dhexdeeda, ishiisana Allaha ku qaboojiyo
la jirka iyo u dhowaanshaha Nebi Muxammad (scw), Ilaahayna ha ka raalli noqdo,
aamiin.

W.Q. Ibrahim Salah Aden.
Print the contents of this page Daabac qoraalkan
Copyright© somalitalk.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *