12 Nov

Shabakada codkasomalia.com ka dhigo sxb joogto ah

Chelsea ayaa soo gabagabeesay heshiiskii ay kulasoo wareegi laheed Laacibka qadka dhexe ee koxda Benfica Ramires.

Heshiis 4 sano ah oo aan la shaacin lacagta uu qaadanaayo ayuu u saxiixay Ramires kooxda Chelsea, sida lagu sheegay war lasoo dhigay bogga internetka ee kooxda Chelsea.

23 jirkaan ayaa lasoo gabagabeeyay wadahadaladii uu ugu wareegi lahaa London shalay isagoo tijaabada caafimaadna uu maray maanta.

Wararka ayaa intaa ku daraaya in Laacibkaan kusoo caan baxay Koobkii aduunka lagula wareegay aduun lacageed oo gaaraaya 18.3 Milyan oo gini oo u dhiganta 22 Milyan oo Yuro.

“Cayaaryahan kasta waa uu jecelyahay inuu u cayaaro kooxda Chelsea, waana ku faraxsanahay inaan helo fursad aan ugu cayaaro kooxdaan” ayuu yiri Ramires oo la hadlaayay webka kooxda Chelsea.

“Waxaan siin doonaa dhamaan wixi aan awoodo kooxdeyda cusub, waana ku faraxsanahay inaan imaado Halkaan” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale Macallinka kooxda Chelsea Carlo Anceloti ayaa soo dhaweeyay lasoo wareegitaanka Laacibkaan reer Brazil, isagoo ku tilmaamay cayaaryahan la yaab leh oo si fiican uga cayaari kara qadka dhexe.

Xiddigaan ayaa seegi doona kulama furitaanka ee Horiyaalka Ingiriiska oo maanta Chelsea la cayaari doonto kooxda west Bom, waxa uuna tababr la billabi doonaa kooxdiisa cusub toddobaadka dambe.

——————————————————————————————————————————————————————

 

Bogga cayaaraha ee Codkasomalia.com

W/D: Ibrahim Geedow Cawale (Biibbo)

Nairobi_Kenya +254721944591

[email protected]

[email protected]

[email protected]

www.facebook.com/Ibrahim.gedow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *